Dowladdaha Caalamka oo ka hadlay Qaraxyadii ka dhacay Muqdisho

by admin | Sunday, Jul 15, 2018 | 955 views

Qaar ka mid ah dowladdaha iyo Ururadda Caalamiga ah ayaa si kulul u cambaareeyay Qaraxyadii shalay lagu weeraray Kontoroolka laga galo Madaxtooyadda Soomaaliya.

Dowladdaha Carabta,kuwa Yurub, iyo dalka Mareykanka ayaa sheegay in Qaraxaasi ay aad uga naxeen,islamarkaana uu kusoo aaday xilli Amniga Caasimadda uu soo hagaagaayay.

Dowladda Mareyanka ayaa sheegtay in ay qaadi doono tilaabo looga jawaabaayo Qaraxyaddii Al-Shabaab ee ka dhacay Muqdisho,islamarkaana ay laba jibaari doonto howlgallada dhanka cirka ah ee ay ka waddo Soomaaliya.

Sidoo kale dowladda Turkiga ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya ay ka caawin doonto sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadkii ay waxyeelado kasoo gaartay Qaraxyadii shalay ka dhacay Muqdisho.

Al-Shabaab ayaa Laba Qarax iyo Weerar toos ah shalay ku  qaaday Barkontorool oo ay ku sugnaayeen Ciidamada Ilaaladda Madaxtooyadda oo ku taalla Waddada gasha madaxtooyada ee ka timaada Isgoyska Ceel Gaabta.

Ku dhawaad 6 qof oo Isugu jira Askar , Kooxdii Weerarka soo qaaday iyo Dad Shacab ah ayaa ku dhintay Qaraxyadii Shalay ka dhacay Muqdisho.

Qaraxyadii iyo Weeraraddii Shalay ayaa kusoo beegmay xilli inta badan ay xirnaayeen Wadooyinka Muqdisho maalmihii lasoo dhaafay

Like it? Share it!

Leave A Response