Duqa Muqdisho oo Guddi u saaray furitaanka Wadooyinka xiran{Akhriso}

by admin | Thursday, Sep 12, 2019 | 542 views

Guddoomiyaha Cusub ee gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa magacaabay guddiga dib-u furista wadooyinka xiran ee magaalada Muqdisho taas oo ay baahi weyn u qabaan shacabka caasimada.

Guddigaan la magacaabay waxaa guddoomiye u ah guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada gobolka Banaadir Mohamed Tuulah ayaa waxaa uu ka kooban yahay 7 Xubnood oo ay Saraakiil ciidan ay ku jiraan.

Duqa magaalada Muqdisho Cumar Filish ayaa 29 bishii August ee sanadkaan 2019 balan qaaday in uu dib u furi doono wadooyinka Muqdisho qaarkood oo xiran.

Hoos Ka Akhriso Magacyada Guddiga la Magacaabay.

Like it? Share it!

Leave A Response