Duqa Muqdisho oo ka hadlay weerar xalay ka dhacay Muqdisho

by admin | Wednesday, Apr 17, 2019 | 730 views

Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa uga mahadceliyey shacabka Caasimadda, gaar ahaan Degmada Warta-Nabadda sida ay gacanta uga geysanayaan sugidda ammaanka Caasimadda.

Guddoomiyaha ayaa xusay in xalay  fiidkii ay Booliisku gacanta ku soo dhigeen shakhsi  bam gacmeed tuuray, kadib markii ay shacabka degmadu gacan ku siiyeen Ciidamadda ammaanka,

Eng. Yarisow ayaa tilmaamay in kooxaha argagixisada ay meel walba uga dabatagayaan, maadaama ay bulshada Caasimaddu diyaar u tahay in kaalintooda ay ka qaataan cid walba oo carqaladeynaysa ammaanka.

“Waxaan u mahadcelinayaa Shacabka Degmada Warta-Nabadda oo xalay  fiidkii Booliiska farta ugu fiiqay shakhsi argagixiso ah oo bam gacmeed tuuray, kadibna gurigii uu galay looga dabategey ciidankuna ay gacanta ku soo dhigeen. Argagaxisadu ha ogaato in bulshadu go’aansatay meel in looga soo wadajeesto danbiile walba ”

Duqa Muqdisho ayaa ku ammaanay bulshada ku nool Gobolka Banaadir sida ay had iyo jeer uga digtoon yihiin kuwa geysta falalka amnidarro, waxuna ku dhiirigeliyey in ay sii wadaan kaalintooda ku aaddan sugidda amniga.

Like it? Share it!

Leave A Response