Duqa Muqdisho oo sheegay inay ka hortagayaan weerarada Shabaab

by admin | Sunday, Nov 17, 2019 | 631 views

Guddoomiyaha Gobolkan Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa sheegay in xilligaan Al-Shabaab qorsheeynayaan weeraro abaabulan oo ay ka geystaan Magaalada muqdisho taasina ay tahay nasiib-darro.

Waxaa uu sheegay in shabaab ku dhiiradaan xilligaan inay degmooyinka Gobolka Banaadir qeybo kamid ah inay weeraro ka fuliyaan aysan aheyn mid suurtagal noqon karta,isla markaana Ciidamada Ammaanka Dowladda Soomaaliya ay u diyaarsan yihiin inay ka hortagaan.

“Waxaa nasiib-darro ah waqtigaan lagu jiro in shabaab abuulan ay ku dhiiradaan inay weeraro ka fuliyaan muqdishoi,mana ahan mid u suuragaleyso mana ismahdin doonaan waana hami waalan waana kala eryi doonaa ayuu yiri”Cumar Filish.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir iyo hay’adaha Amniga ay ka hortegi doonaan fal kasta oo ay isku dayaan Al-Shabaab,isla markaana la xoojin doono amniga koontoroolada laga soo galo Muqdisho.

Like it? Share it!

Leave A Response