Duqa Muqdisho oo Weerar Afka ah ku qaaday Xildhibaan C/qaadir Cosoble

by admin | Wednesday, Jul 10, 2019 | 706 views

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa weerar Afka ah ku qaaday Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya,kuwaasi oo ka hadlay kulan Maanta ka dhacay Muqdisho.

Guddoomiye Yariisow ayaa ku tilmaamay Xildhibaanadii ka hadlay kulan Muqdisho ay ku yeesheen qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka Gobolka Banaadir iyo xubno Xildhibaano ah inay yihiin kuwo Qaswadayaal ah.

Sidoo kale Duqa Muqdisho ayaa sigaar ah u xusay Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble oo qeyb ka ahaa dadkii ka hadlay kulankaas,isagoona sheegay in Cosoble uu yahay mid diidan horumarka Caasimadda.

Xildhibaanada Maanta hadlay waa qaswadayaal aan waxba laga weydiineyn masiirka Gobolka Banaadir,Cosoble xagguu jiray Markaan 7-da waddo ee laamiga ah dhisaynay”ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Hadalka Guddoomiye Yariisoo ayaa waxaa uu kusoo aadayaa,iyadoo Muqdisho kulan yeesheen qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka kunool Gobolka Banaadir iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka,kaasi oo Ashtako ka dhan ah Maamulka G/Banaadir iyo xirnaanshaha Wadooyinka muhiimka ah u gudbiyeen Xildhibaanadii kulankaas ka qeyb galay,iyagoon Odayaasha dalbaday in fariintooda u gudbiyan dowladda Federaalka

Like it? Share it!

Leave A Response