Duqa Muqdisho, Yuusuf Madaale: “Isu imaatinka Culimada Dadku way abshireysteen”.

by admin | Saturday, Jan 28, 2023 | 217 views

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa kulan casho ah u sameeyay Culimada ka qaybgashay shir weynihii Muqdisho lagu soo gabagabeeyay 26kii Janaayo 2023 ee martiqaadkiisu lahaa Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale oo ka hadlay kulankaan ayaa sheegay in ay ka go’an tahay wax u qabashada Shacabka si ay u helaan adeegyada ay u baahan yihiin oo uu amniga ugu horreeyo.

Waxa uu ‘AS’ ku eedeeyay in ay isku dayeen in ay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ku ‘Xasuuqaan’ Dad shacab ah isla markaana ay damceen in ay burburiyaan xaruntaas balse ciidamada Dowladda ay kahortageen.

“Nimankii iyaga ahaa ee Khawaariijta ahaa ee talo xumadu haleeshay ee isku dayay in ay halkaan Shacabka Soomaaliyeed ku xasuusaan uma suuragelin, waxa aan caawa fadhinaa meeshii ugu dambeysay ee ay islaaheen qabsada ee burburiya waa alle mahadi, Kulankiinii & isu imaatinkiinii Dadku way abshireysteen sida ay u abshireysteen ilaahey ha uga dhiga, ” Duqa Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa gunaanadkii soo jeediyay in la xoojiyo wadashaqeynta si looga hortago weerarada & qaraxyada ‘AS’ loona dardargeliyo sidii gacanta loogu dhigi lahaa waa sida uu hadalka u dhigay.

Like it? Share it!

Leave A Response