Duqayn Diyaaradaha Israaiil ay ka fuliyeen Rafax waxaa ku dhintay 63 ruux oo rayid ah

by admin | Monday, Feb 12, 2024 | 28 views

Ciidamada dagaalka ee Militariga Israaiil ayaa duqayn xooggan oo ay ka fuliyeen dhinaca Magaalada Rafax waxa ay ku dileen ugu yaraan 63 ruux oo rayid ah kuwaas oo ku sugnaa guryahooda waqtigii duqayntu ku dhacaysay.

Wasaaradda Caafimaadka Falastiin ayaa sheegtay in Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay u badan yihiin Haween & Carruur kuwaas oo guryahooda jiifay xiligii duqaynta arxan-darrada ah ay Yuhuuddu ku beegsanayeen.

Dadka dhaawacmay ayaa la geeyay Goobaha Caafimaadka si looga daweeyo dhibaatada kasoo gaartay duqaynta aan loo meel-dayin ee Ciidamada Yuhuudda ka gaysanayaan Dhulka Falastiin oo bilihii u dambeeyay si joogta ah u dhacayay.

Sawirrada carruur dhaawacyo meelo kala duwan oo jirkooda ah kasoo gaaray ayaa lasoo dhigay baraha Bulshada waxaana intooda badan carruurtu da’ ahaan ay ka yar yihiin ilaa 3 sano taasi oo muujinaysa tacadiga Israaiil ee ka dhanka ah Falastiin.

Maraykanka ayaa hubka culus iyo kiimikooyinka ay adeegsanayaan Militariga Israaiil ku caawinaya iyada oo dalalkaan is xulufaysanaya ay meel iska dhigeen shuruucdii ay saxiixeen Dalalka Xubnaha ka ah Qaramada Midoobay.

Ra’iisul Wasaaraha Israaiil Benjamin Netanyahu ayaa kahor duqayntaan waxa uu si cad u sheegay in ay beegsanayaan Magaalada Bartilmaameedka u ah ee Rafax, taasi waxa ay durba dhalisay dareen dad badan ay ka qaadeen hadalka Ninkaas.

Like it? Share it!

Leave A Response