Duqeyn ka dhacday deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan

by admin | Friday, Mar 1, 2019 | 1019 views

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in xalay diyaarado ay duqeyn ka geysteen deegaano ka tirsan gobolkaas oo ay gacanta ku hayaan Ururka Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka ayaa u sheegay Idaacadda Risaala ee Magalada Muqdisho in diyaaradaha ay duqeeyeen Saldhigyo Ururka Al-Shabaab ay ku leeyihiin deegaanada Galxamure, Astaan iyo degaano kale.

Saraakiishu mashaacin khasaaraha ka dhashay duqeyntaas,hayeeshee dad ku sugan deegaanada ay duqeynta ka dhacday oo diiday in Magacooda iyo codkooda loo adeegsado qalabka Warbaahinta ayaa waxa ay sheegeen inay maqleen jugta duqeynta ay fuliyeen diyaaradaha.

Todobaaadkii la soo dhaafay ayaa sidaan oo kale waxaa diyaarado dagaal ay duqeymo dhinaca cirka ah la beegsadeen Saldhigyo Ururka Al-Shabaab ku leeyihiin deegaano ka tirsan Goboolka Hiiraan,waxaana Mareykanka uu sheegay in duqeyntaas uu ku dilay xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response