Duqeyn ka dhacday Jubbada Hoose

by admin | Monday, Sep 3, 2018 | 914 views

Saraakiisha ciidanka Jubbaland ayaa waxa ay sheegeen duqeyntan oo ka dhacday degaanada Weel-Maaro iyo Suubow ee gobolka Jubbada Hoose in lagu bartilmaameedsaday fariisin Ururka Al Shabaab ay ku lahaayeen halkaasi.

Duqeynta diyaaradaha dagaalka Kenya oo qeyb ka ah AMISOM ayaa fuliyay, kadibna waxaa xigay weerar ciidamda Jubbaland oo garab ka helaya ciidamada Kenya ay ku qaadeen saldhigyo kale oo Jubbada Hoose ku yaala.

Mahad Maxamed Islaam, oo kamid ah saraakiisha ciidamada Jubbaland, ayaa sheegay in howlgalka oo ahaa mid Wadajir ah, uu yahay mid lagu xaqiijinayo ammaanka degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.

Gaashaanle Mahad Maxamed, ayaa sheegay in weerarka oo dhulka iyo cirka uu ahaa, ujeedana ay aheyd in lagu burburiyo gobaha Al Shabaab ay ka soo weerari jireen degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.

“Hawlgalkaasi laba dhinac buu ahaa dhinac ciidanka Jubbaland iyo AMISOM, hawlgalka oo isugu jiray dhulka iyo cirka waxaa lagu beegsaday fariisin Al Shabaab, waxaan sii wadeynaa hawlgalada nuucaan oo kale, waxaan u mahadcelinayaa shacabka ciidanka iyo shacabka oo wada shaqeeyay”. Ayuu yiri Gaashaanle Mahad Maxamed.

Saraakiisha ciidamada Kenya ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegay inay u mahad celinayaan ciidamada iyo shacabka degmada Afmadow oo qeyb weyn ka qaatay weerarada ay ku qaadaan Al Shabaab.

Saraakiisha ayaa sheegay inay heleen warbixino la xiriira sirdoonka oo xaqiijinaya in Al Shabaab ay wadeen is abaabulka deegaano ku xeeran degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.

Like it? Share it!

Leave A Response