Duubabka dhaqanka Gobolka Hiiraan oo kulan ka yeeshay Xaaladaha Hirshabeelle.

by admin | Tuesday, Jan 21, 2020 | 589 views

Kulankaan ayaa waxaa ka soo qeybgalay intabadan Duubabka dhaqanka Gobolka Hiiraan waxaana looga hadlay arimo muhiim ah oo ay ka mid tahay sidii dib-u-hishiisiin dhab ah looga sameenlahaa beelaha wada daga Gobolka Hiiraan oo qaarkood ay ka dhex aloosantahay kala fikir duwanaansho keentay in dib u dhaco Gobolka Hiiraan waxaana gaabis ah Howlihii dowladnimo ee laga sugaayey Maamulka Hirshabeelle.

Duubaabka dhaqanka ayaa isku raacay in xilligaan aysan suuragal aheen in Golo deegaan loo dhiso Degmooyinka Gobolka Hiiraan oo u baahan marka hore in laga shaqeeyo ammaanka iyo is-ogolaanshaha beelaha Walaalaha ee wada daga Gobolka Hiiraan.

Sidoo kale Duubabka Dhaqanka ayaa si gaar u dul-istaaqay in qaar ka mid ah Hey’adaha Maxaliga iyo kuwo caalami ah ay ku hoolanyihiin in ay dhisaan Golo deegaan waxa ayna si gaar ah ugu baaqeen Hay’adaha ku howlan sida, center for research and dialogue (CRD), finish church aid (FCA), Somali Stability Fund (SSF), iyo hay’adaha kale ee maxaliga ah sida Soyda (LNGO) in ay ka fogaadaan in Colaad ay ka dhex abuuraan beelaha Wadadaga Gobolka Hiiraan oo marka hore u baahan in dhexdooda ay hishiiyaan.

Duubabka dhaqanka ayaa kulamo iyo Shirar qaban doono maalamaha soo aadan waxa ayna qaarkood tagi doonaan Degmooyinka Gobolka Hiiraan iyaga oo marka hore qaadan doono kaalintooda ku aadan Nabadda iyo Wada noolaanshaha.

Ugu danbeyn Duubabka dhaqanka ayaa Dowlada fedaralka waxeey ugu baaqeen in ay ka qeebqaataan dib-u-hishiinta Beelaha mas’uuliyadna iska saaraan sidii loo gaari lahaa xal waara.

Hoos ka aqriso Magacyada Dhuubabka dhaqanka Gobolka Hiiraan ee maanta kulanka yeeshay.
1. Ugaas Cali Ugaas Xasan.
2. Ugaas C/raxman Ugaas C/llaahi.
3. Ugaas C/xakiin Ugaas Maxamed
4. Ugaas Cismaan Ugaas Cilmi.
5. Ugaas C/naasir Ugaas Nuur
6. Wabar Maxamed Wabar Axmed Wabar Cabdi.
7. Caaqil Maxamed Maxamuud (Deefoow)
8. Wakiil Wabar Cismaan Shiikh Xasan.
9. Wakiil Wabar Cabdi Xuseen.

 

Like it? Share it!

Leave A Response