Duufaan halis ah oo ku soo fool leh dhul xeebeedka Soomaalida

by admin | Thursday, May 17, 2018 | 1005 views

Duufaan xoog leh oo loo bixiyay ONE ayaa ka soo kacaysa waqooyiga badwaynta Hindiya waxaana la filaya in ay saamayn doonto inta badan gobollada Jamhuuriya iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland iyo Puntland 24 ilaa 48 saac ee foodda inagu soo haysa, sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cunnada iyo Beeraha ee FAO.

Duufaantan ayaa lagu wadaa in ay marka hore ku dhufan doonto Puntland 24ka saac ee soo socda ka dibna ay ku faafidoonto dhanka Somaliland iyo deegaannada kale ee dhexe.

Hay’addu waxay intaas ku dartay in duufaantaas ay wehelin doonaan robaab mahiigaanno ah.

Qaramada Midoobay waxay ku baaqaysaa in ay dadku taxadar iyo diyaargaraw muujiyaan maadaama oo laga yaabo in ay burbur u gaystaan dhismayaasha aan tiirarka adag ku taagnayn.

Waxaa kale oo la saadaalinayaa in ay deegannadaas ay daadad ka dhici doonaan, sida ay shaacisay hay’adda cunnada iyo beeraha u qaabilsan ee Qaramada Midoobay.

Deeganno badan oo dhulka Soomaalida ah ayaa haddaba la sii daalaa dhacaya daadad iyo fatahaado ka dhashay roobab mahiigaanno ah oo da’ay.

Ma ahan markii koobaad ee duufan ay ku dhufato dhulka Soomaalida, bishii Nofembar ee 2013kii ayay ahayd markii ay duufaan waxyeelo baaxadleh ka gaysatay deegaannada Puntland iyada oo la sheegay in ay malaayiin xoolo ah ku le’deen.

Like it? Share it!

Leave A Response