Duulimaadyada tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi oo dib u billowday

by admin | Friday, Nov 22, 2019 | 589 views

Duulimaadkii  tooska ahaa ee Muqdisho iyo Nairobi ayaa maanta oo Jimco ah dib u billowday, Waxay ka dambeysay markii todobaadkii hore ay heshiis wada gaareen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa Kenya Uhuru Kenyatta.

Hey’adda duulista rayidka Soomaaliya ayaa sheegtay in maanta la furay duulimaadyada tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi, waxaana Muqdisho ka amba-baxday diyaarad toos ugu wajahan Nairobi, iyadoo la fulinayo heshiiskii Madaxweyneyaasha labada dal.

Dowladda Kenya ayaa bilo ka hor soo rogtay in dhamaan diyaaradaha ka imaanayo Soomaaliya ay ku hakadaan garoonka caalamiga ah ee Wajir si baaritaan loogu sameeyo.

Kenya ayaa horay u sheegtay in tallaaabadaasi ay uga gol lahayd inay kaga gaashaamato khatarta  Al Shabaab.

Waxaa xusid mudan in duulimaadyadda ay si toos ah u bilowdeen sanadkii 2017-kii markii ay heshiis sidaan oo kale ay wada gaareen labadda Madaxweyne, laakiin Kenya ay ka baxday oo joojisay.

Like it? Share it!

Leave A Response