Eedeysane Shabaab ah :Qorshaha wuxuu ahaa in inaan jahannamo u diro wixii meesha wada joogay{Daawo}

by admin | Sunday, Jul 12, 2020 | 398 views

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa la horkeenay eedeysanihii ugu mayalka iyo hadalka adkaa ee ka tirsanaa ururka Al-Shabaab, kaasoo doonayay inuu isku miidaamiyo bar kontorool oo laga galo garoonka diyaaraddaha Aadan Cadde.

Saciid Biriq Maxamuud Cabdi ayaa sheegay in qorshahiisa uu ahaa inuu jahanamo u diro wixii goobtaasi ku sugnaa waa sida uu hadalka u yiri, balse nasiib daro uu gaarigii uu waday u qarxi waayay, halkaasina ay ku dhaawaceen ciidamadii amniga ee goobta ku sugnaa.

Saciid oo hadaladiisa ay aad u adkaayeen kana muuqdeen mayal adagnimada kooxdii uu ka tirsanaa, hase ahaatee qareenadii u doodayay ayaa ku dooday in maskaxiyan uu caafimaad qabaa, laakiin waxaa taasi ka diiday weer ilaaliyaha maxkamadda ciidamada oo sheegay in eedeysane Saciid uu weli jibeysan yahay, maskaxdiisana ay ka buuxaan fikirkii lagu soo shabby.

Eedeysanahaan oo sanooyin kahor lagu qabtay Boosaaso ayaa nasiib wanaag laga soo deeyay xabsi, maadaama lagu heli waayay eedeymo iyo shaki laga qabay.

Guddoomiyaha maxkamadda sare ciidmada qalabka sida G/sare Xasan Cali Shute ayaa sheegay in maxkamadda darajada koowaad ay go’aan kasoo saari doonto xukunka eedeysane Saciid Biriq Maxamuud.

Like it? Share it!

Leave A Response