Eng.Yarisow oo Amar siiyay Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banadir{AKHRISO: }

by admin | Sunday, Jul 29, 2018 | 885 views

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa u furay qaar ka mid ah maamullada degmooyinka gobolka tababar ku saabsan qorshe siyaasadeedka xasilinta caasimadda.

Tababarkan oo ku saabsanaa hannaanka fulinta mashaariicda, sugidda amniga, ilaalinta sharciga, caddaaladda iyo dib-u-heshiisiinta ayaa waxaa ka qeyb galay guddoomiyeyaasha iyo maamulka degmooyinka Yaaqshid, Heliwaa, Kaaraan, Dharkiinley, Kaxda, agaasime waaxeedyo, saraakiil ka socotay AMISOM iyo bulshada rayidka ah.

Guddoomiyaha Gobolka ayaa tilmaamay in mudnaanta ay siinayaan maamulka Gobolku kor u qaadista aqoonta iyo khibradda maamul ee masuuliyiinta iyo shaqaalaha degmooyinka Gobolka Banaadir, taas oo salka ku haysa qorshaha dib u habaynta iyo daadajinta Adeegyada bulshada.

“Dadaal badan ayaan gelinaynaa sidii aan u dhisi lahayn awoodda maamul ee degmooyinka Gobolka, annaga oo beegsanayna sidii aan u xoojin lahayn daah furnaanta maamulka, la dagaallanka musuq maasuqa iyo asteynta maamul wanaag si siman ugu wada adeegayada dhammaan shacabka.”

Eng.Yarisow ayaa faray Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banadir in ay si siman ugu adeegaan bulshada, isla markaasna ay joogteeyaan kormeerka iyo la socodka xafiisyada adeegga bulshada, laamaha ammaanka iyo garsoorka degmooyinkooda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa xaqiijiyey in ay muhiim tahay kor u qaadista kalsoonida shacabku ay ku qabaan maamulka degmooyinkooda, arrinkaas oo xoojinaya wada shaqeynta bulshada iyo maamulka, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo xasilinta oo ay kaalin wayn ka qaateen shacabka ku dhaqan Gobolka Banaadir.

Like it? Share it!

Leave A Response