Faafaahin: Duqeyn ka dhacday Jubada Hoose

by admin | Wednesday, Aug 22, 2018 | 831 views

Taliska ciidammada Mareykanka Africa ee “AFRICOM’’ war kooban oo kasoo baxay ayaa lagu sheegay in ciidamada mareykanka oo kaashanaya kuwa soomaali ah ay duqeyn ka fuliyeen shalay galinkii dambe meel 46-KM waqooyi bari ka xigta magaalada kismaayo, duqeynta ayaa la sheegay in lagu bartilmaameedsaday dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.Talisku waxa uu sheegay in weerarka ay ku dileen 2 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab,isla mar ahaantaasina aysan jirin khasaaro soo gaaray dadka rayidka ah ee ka agdhaw goobaha lagu bartilmaameedsaday dagaalamayaasha Al-Shabaab.

“Ciidammada Mareykanka oo gacan ka helaya kuwa Dowladda Soomaaliya waxaa ay weerar ku qaadeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo meel qiyaastii 46-KM waqooyi Bari  u jirta magaalada kismaayo,waxaana kaga dilnay Al-shabaab 2 Argagixiso’’. Ayaa lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay Taliska Mareykanka Africa ee loo soo gaabiyo (AFRICOM).

Hore mareykanka waxaa uu u sheegay in ay xoojinayaan sidii dowladda Soomaaliya ay uga taageerilaheed la dagaalanka kooxa ka dagaalama Soomaaliya sida Al-Shabaab iyo Ururka Daacish qeybtooda Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response