Faafaahin qarax ismiidaamin oo ka dhacay Muqdisho.

by admin | Sunday, Sep 25, 2022 | 329 views

Khasaaro isugu jira dhimash iyo dhaawac ayaa ka dhashay qarax ismiidaamin ahaa oo Maanta lala beegsaday Dhalinyaro ku sugnaa Afaafka hore ee Xerada janeraal Dhagabadan ee Warshadda Nacnaca oo kutaalla degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay u sheegeen warbaahinta i qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa uu isku qarxiyay Albaabka laga galo Warshada Nacnaca kan soo xiga dhinaca Kaamka Badbaado ee Xaafada Tarashuush ee degmada Wadajir, halkaas oo ay ku sugnaayeen Dhalinyaro doonayay in loo qoro Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in qaraxa ay ku dhinteen in ka badan 11 Ruux oo u badnaa dhalinyaradii doonayay inay Ciidananimada qortaan halka kale ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo la geeyay mid kamid ah Isbitaallada Muqdisho.

Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa si deg deg ah u tegay qaar kamid ah ilaalada Xerada Tababarka Warshadda Nacnaca iyo Gaadiidka gurmadka deg dega, kuwaas oo gurmad u sameeyay dadka ku waxyeeloobay qaraxa.

Laamaha Amniga dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaan weli ka hadlin qaraxa, hayeeshee dhowr jeer ayaa waxaa qaraxyo ismiidaamin ahaa lagu weeraray Irdaha laga galo Xerada Tababarka Warshada Nacnaca, iyada oo lagu dilay dhalinyaro dooneysay inay kamid noqdaan Ciidamada xoogga dalka

Like it? Share it!

Leave A Response