Faafaahin: Wararkii ugu dambeeyay dagaal xalay ka dhacay Waajid

by admin | Friday, Jun 8, 2018 | 1103 views

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar xalay fiidkii ururka Al-Shabaab ay ku qaadeen Degmada Waajid ee gobolka Bakool, waxayna halkaasi kula dagaalameen Ciidanka dowladda iyo Ciidanka Itoobiya ee qeybta ka ah kuwa AMISOM.

Shabaabka ayaa laba jiho ka weeraray Degmada Waajid, iyadoo ay beegsadeen xeryaha labada ciidan, waxaana halkaasi ku dhexmaray dagaalka hubka waa weyn la’isku adeegsaday.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalku uu ku bilowday qaraxyo iyo gantaalaha garbaha laga tuuro ee baasuukaha/sabanka, ka dibna ay labada dhinac isu adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Jaamac Faarax Muuse oo ka tirsan saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa waxa uu sheegay in ay iska difaaceen Shabaabkii weerarka soo qaaday, wuxuuna beeniyay wararka sheegaya in Shabaab ay gudaha u soo galeen xaafad ka tirsan xaafadaha Degmada Waajid.

Sarkaalkan ayaa carabka ku adkeeyay in ay ka hortaggeen in Shabaabku gudaha u soo galaan xaafadaha degmada, isla-markaana ay dib ugu celiyeen halkii ay ka yimaadeen.

Isagoo la hadlayay Idaacadda VOA ayaa wuxuu qiray in Shabaabkii dagaalka soo qaaday ay ahaayeen ciidan xoogan, kuna soo talagalay in waxyeelo ka gaystaan Waajid, balse uu mahdinayo inaysan dhicin wixii ay ku soo talagaleen.

Like it? Share it!

Leave A Response