Faafaahin: Weerar ka dhacay gobolka Mudug

by admin | Monday, Aug 20, 2018 | 794 views

Wararka naga soo gaaraya Bari gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in maleeshiyo hubeysan ay  weerar ku qaaday qoys reer guuraa ah oo ku sugnaa Inta u dhaxeysa degaanada Godod iyo Gacma fala ee gobolka Mudug.

Sidda ay  u xaqiijiyeen  warbaahinta  dadka ku sugan degaanka Godod Dhaawac culus ayaa soo gaaray nin dhalinyaro ah oo xiligaasi u socday Qoys dariska ah kadib markii ay u galeen labada Guri dhexdooda.

Kooxihii dilkaasi gaystay ayaa isaga baxsaday goobta kadib dhaawacii ay u gasyteen ninkaasi dhalinyarada ah waxaana sidoo kale magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug loo qaaday Wiilkii waxyeeladu ka gaartay Dableydaasi rasaastii ay ku fureen.

Falkaan ayaa ka dhacay degaanka Godod oo qiysaastii Gaalkacyo u jira 65KM isaga oo ka xigga dhanka Bari wadda wadaagsan lagu magacaabo.

Like it? Share it!

Leave A Response