Faafaahin:Al-Shabaab oo saacado kooban la wareegay degaanka Ceeldheere

by admin | Friday, Jan 15, 2021 | 331 views

Degaanka Ceeldheere ayaa xalay weerar ku qaaday Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.
Dad ku sugan Ceeldheere ayaa waxaa u ay sheegeen warbaahinta in dagaal culus ay Shabaab degmada kusoo qaadeen, islamarkaana saacado kooban ay la wareegeen gacan ku heynta degaanka Ceeldheere.
Deegaanka Ceeldheere ayaa 30KM u jira Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.
Ciidanka dowladda ayaa xalay dib ula wareegay Magaalada ka dib markii ay ka baxeen Al-Shabaabkii xalay weerarka kusoo qaaday.

Like it? Share it!

Leave A Response