Faafaahin:Ciidamo ku dagaallamay magaalada Beledweyne

by admin | Wednesday, Aug 22, 2018 | 853 views

Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan   waxaa  ku dagaalay  ciidamada hay’adda Nabad suggida ee NISA ee ka howlgalla Beledweyne.

dagaalka ayaa uu yimid ka dib markii ciidamo ka tirsan NISA ay ka gadoodeen taliye cusub oo loosoo Magacaabay.

Dagaalka  ayaa  socday muddo dhowr daqiiqo ah, waxaana  ugu dambeyntii maamulka gobolka Hiiraan ay ku guuleysteen in ay dagaalka joojiyaan.

 

Arrintaas waxaa ay la xiriirtaa xilal isku dhex wareersan oo uu dhawaan magacaabay Madaxweynaha Hirshabeelle,waxaana ka mid ah in uu xilka ka qaaday Taliyihii Nabada Sugidda ee Hirshabeelle oo lagu magacaabo Waweyne,una magacaabay hoggaanka Nabad Sugidda ee Saadka,iyada oo xilka laga qaaday waweyne iyo kan loo magacaabay aysan waxba ku kala duwayn.

 

Saraakiil ku sugan Beledweyne ayaa sheegay in arrinta ay salka ku heyso awood qeybsiga beelaha iyada oo laga baqayo in ay horseeddo khilaaf hor leh oo u dhaxeeya beelaha Gobolka Hiiraan wada dega.

Like it? Share it!

Leave A Response