Faafaahin:Dad Shacab ah oo lagu dilay dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya

by admin | Sunday, Sep 15, 2019 | 612 views

Wararka laga helayo Tuulada Baal-Goray oo ka tirsan Gobolka Doolo Ee Dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi lagu dilay laba Ruux oo ka mid ah dadka Xoolo dhaqatada ah ee ku nool deegaankaas.

Maleeshiyaad hubeysan ayaa la sheegay inay dileen labada Qof oo Geel ku ilaalinayay Tuulada Baal-Goray ay dileen ,waxana dadka la dilay Magacyadooda lagu kala sheegay Indha-Balac Magad iyo Axmed Sanjab Diiriye,iyada oo la sheegay in maleeshiyaadka dilka geystay ay ka yimaadeen dhinaca deegaanka Balli-Haraare ee isla dowlad deegaanka Soomaalida.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Maleeshiyaadka ka dambeeyay dilkaasi ay Goobta ka baxsadeen,sidoo kalena ay jirtay in maleeshiyaadkaas maalin ka hor ay tuulada Baal-Goray weerar kusoo qaadeen, iyada oo dilka ay geysteen loo aaneyno arrimo la xiriira aanooyin qabiil.

Wararkii ugu dambeeyay ee deegaanka Baal-Goray ee dadka Shacabka ah lagu dilay naga soo gaaraya ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta halkaasi laga dareemayo xaalad kacsanaan ah iyo xiisad u dhaxeysa labada beelood oo ay kasoo kala jeedaan maleeshiyaadka wax dilay iyo dadkii ay dileen.

Like it? Share it!

Leave A Response