faafaahin:Dagaal culus oo ka dhacay Gobolka Bakool.

by admin | Wednesday, Apr 7, 2021 | 424 views

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dagaal Ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed & Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ku dhex-maray degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.

Dagaalka ayaa waxaa uu yimid kadib markii Al-Shabaab ay weerareen Saldhiga Ciidamada Itoobiya ee degmada Xudur, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xogan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Gooboogayaal ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ee la isku adeegsanayay, sidoo kalena uu jir khasaaro kala duwan oo labada dhinac kasoo gaaray dagaalka.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada Koonfur Galbeed ayaa sheegay in ay iska difaaceen weerarkii ay kusoo qaadeen Al-Shabaab, isla markaana ay khasaaro ku gaarsiiyeen dagaal ay la galeen.

Dagaalka ka dhacay degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli saaka dagaal ka dhacay duleedka degmada Dhuusamareeb ay Ciidamada dowladdakula wareegeen degaano dhowr ah.

Like it? Share it!

Leave A Response