faafaahin:Dagaal u dhaxeya Al.shabaab iyo Dowlada oo ka socda deganka Buuweyn ee G.Hiiraan

by admin | Friday, Oct 16, 2020 | 418 views

Wararka aynu ka heleyno degaanka Buurweyn  ee Gobolka Hiiraan   ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda iyo Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa waxaa uu bilaawday, kaddib markii Al-Shabaab ay qarax la beegsadeen Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan dowladda oo ka yimid dhinaca degmada Buulo-Burde, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dad goobjoogayaal ah ayaa waxa ay sheegeen in gaadiidka Ciidamada Dowladda lala beegsaday qarax miinada nooca dhulka lagu Aaso ah, kaddibna uu bilaawday dagaal toos ah oo laba dhinac dhex-maray, waxaana jira khasaaro dhimasho & dhaawac ah oo ka dhashay dagaalkaas.

Ciidamada la weeraray oo ka tirsan qeybta 27aad ee Millateriga Soomaaliya ayaa waxaa ay ka yimaadeen dhinaca degmada buulo-Burde, waxaana la sheegay inay ku wajahnaayeen dhianaca degmooyinka Jalalaqsi iyo Mahadaay ee gobolada Hiiran iyo Shabeellaha Dhexe, balse ay weerarka la kulmeen.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda ayaa waxaa ay sheegeen in dagaalka ay Al-Shabaab khasaaro ku gaarsiiyeen, sidoo kalena ay la wareegeen degaanka Buurweyn  ee Gobolka Hiiraan, isla markaana halkaasi ay howlgallo ka wadaan.

Like it? Share it!

Leave A Response