faafaahin:Dil ka dhacay degaan ka tirsan Gobolka Galgaduud.

by admin | Monday, Dec 6, 2021 | 422 views

Maleeshiyaad hubeysan ayaa Nin rayid ahaa waxaa xalay xilli dambe ay ku dileen Miyiga degmada Cabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud, iyaga oo dilka kadib goobta ka baxsaday.
Ninka oo Magaciisa lagu soo koobay Januune ayaa kamid ahaa Xoolo dhaqatada Gobolka Galgaduud, wuxuuna ahaa dadka abaarta kajirta meelaha kamid ah Gobolka Galgaduud ka cararay ee tegay degaanka lagu dilay ee Miyiga degmada Cabudwaaq.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in dilkaasi uu salka ku haayo dilal la xiriira aanooyin qabiil oo dhowr jeer ka dhacay degaano ka tirsan Gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug.
Saraakiil ka tirsan Booliska Galmudug ayaa waxaa ay sheegeen inay wadaan howlgalgallo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay dilka Ninka rayidka ahaa, isla markaana dhawaan ay gacanta kusoo dhigi doonaan.
Sanadihii la soo dhaafay ayaa degaannada Galmudug waxaa kusoo batay dilalka lala xiriirinayo aanooyinka qabiil, halka meelaha qaar ay ka dhaceen dagaalo u dhaxeeyay laba maleeshiyo Beeleed, iyada oo Maamulka Galmudug uu ku guuldareystay waxka qabashada colaadaas.

Like it? Share it!

Leave A Response