faafaahin:Dil ka dhacay degaan ka tirsan Shabeellaha Dhexe & xiisad ka dhalatay.

by admin | Monday, Apr 12, 2021 | 282 views

Maleeshiyaad hubeysan ayaa waxaa la sheegay in Wiil Dhalinyaro ahaa oo Shacab ah ay ku dileen degaan lagu Magacaabo Yaanyi oo ku yaal inta u dhaxeysa degmooyinka Wardheekh iyo Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Wiilka la dilay oo lagu Magacaabi jiray Ciise Maxamuud Lugeey aya da’diisa waxaa lagu sheegay 13 jir, iyada oo xilliga la dilayay uu kasoo baxay Dhul Goof ah oo uu Ari ku ilaalinayay.

Wararka la helay ayaa sheegaya in sababta dilka uu la xiriiro aanooyin qabiil oo inta badan ka dhacay degaano hoostaga degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana Wiilka la dilay ay maleeshiyaad hubeysan horay u dileen Walaalkiis.
Dagaal Beeleedyada ayaa waxaa ay noqdeen kuwo kusoo laab laabta qaar kamid ah Gobolada dalka, waxaana dilka ka dhacay Gobolka Shabeellaha Dhexe uu xiisad ka abuuray degaanka yaanyi iyo degaannada ku dhow dhow.

Like it? Share it!

Leave A Response