faafaahin:Dil ka dhacay Gaalkacyo & howlgal ka socda

by admin | Monday, Mar 23, 2020 | 490 views

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dil xalay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug loogu geystay xildhibaan ka tirsanaa Golaha Degaanka Gaalkacyo ee dhinaca Maamulka Puntland.

Rag ku hubeysnaa bustoolado sida la sheegay ayaa waxaa ay Xildhibaanka oo lagu magacaabi jiray Mukhtaar Axmed Cumar (Tinle) waxaa ay ku toogteen Bartamaha Magaalada Gaalkacyo,iyada oo dhaawac culus oo soo gaarey uu Isbitaalka Gaalkacyo ugu geeriyoodey.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in raga hubeysnaa ee dilay Xildhibaanka ay sidoo kale dhaawaceen askari ka tirsan Ciidanka Puntland oo ku sugnaa agagaarka halka uu dilka ka dhacay,iyaga oo isla goobta ka baxsadey.

Majirto cid ilaa iyo hadda sheegatay mas’uuliyada dilka xalay Magaalada Gaalkacyo loogu geystay Xildhibaan ka tirsanaa Golaha deegaanka degmadaas,hayeeshee dilalka noocaas oo kale ah ayaa waxaa mas’uuliyadiisa sheegta Al-Shabaab.

Wararka saaka aan ka heleyno Gaalkacyo ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Puntland ay wada howlgallo kala duwan oo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyey dilkaas.

Like it? Share it!

Leave A Response