faafaahin:Dr. BISHAAR Ibraahim Cali Xuub oo toogasho lagu dilay

by admin | Thursday, Dec 8, 2022 | 228 views

Kooxo hubeysan ayaa shalay waxay Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay ku dileen Iskuduwihii Wasaaradda Caafimaadka ee degmadaasi.

Kooxahan oo watay gaari nooca raaxada ah ayaa waxay Dr. Bishaar Ibraahim Cali (Xuub) ku dhex dileen Isbitaalka Guud ee Degmada Buurhakaba. Goobjoogeyaal ayaa sheegay in kooxahaasi ay dilka ka dib ku baxsadeen gaarigii ay wateen.

Ciidanka Booliska oo ku baxay goobtaasi ayaa ku guuldareystay inay gacanta ku soo dhigaan kooxihii falkaasi ka dambeeyay.

Gudoomiyaha Degmada Buurhakaba, Cabdi Maxamed Axmed ayaa dilka ninka dhakhtarka ah ku eedeeyay maleeshiyada Al Shabaab.

“Shabaab ayaa ka dambeeyo, cid kale oo ka dambeyso malahan, Soomaali kalena lama eedeynayo,” ayuu yiri Gudoomiyaha.

Dr. Bishaar ayaa caan ka ahaa degmadaasi, iyadoona ay si weyn u garanayeen dadka reer Buurhakaba. Dilkiisa ayaa argagax-geliyay bulshada deegaanka, mana jirto cid illaa iyo hadda masuuliyadda dilkaasi sheegatay.

Like it? Share it!

Leave A Response