Faafaahin:Guddoomiyihii guddiga bad-baadada Jubaland oo caawa lagu toogtay Kismaayo

by admin | Friday, Sep 13, 2019 | 564 views

Abuukaate Axmed Jaamac Qalyar oo ahaa guddoomiyaha guddigii la-magacbaxay badbaada Jubbaland oo ay sameysteen musharixiintii is-bedal doonka Jubbaland ayaa caawa lagu weeraray magaalada Kismaayo.

Axmed Jaamac oo sidoo kale ahaa Nabadoon si weyn looga yaqaanay Kismaayo ayaa dabley hubaysan waxa ay weerar ku qaaday xilli uu ku sugnaa goob Biibito ah oo ku taalla bartamaha magaalada Kismaayo.

Xubno ka tirsan xildhibaanada garab madaxweynaha u doortay Cabdirashiid Xidig ayaa u xaqiijiyay  shabakada reegaay.com  in dhowr xabad lagu dhuftay, islamarkaana dhaawac daran uu kasoo gaaray rasaasta ay ku fureen kooxdii weerarka ku qaaday.

Dhaawaca Nabadoonka oo sida la sheegay aad u daran ayaa hadda lagu dabiibayaa Isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo, waxana la xaqiijiyey in ilaa Afar xabadood oo ka mid ah rasaastii lagu furay ay madaxa kaga dhacday.

Dableydii dhaawaca u gaysatay Nabadoon Axmed Jaamac ayaa goobta iskaga baxsatay, walina wax war ah oo ku aaday arintaan kama soobixin hey’adaha ammaanka maamulka Jubbaland.

 

Like it? Share it!

Leave A Response