faafaahin:Khasaaro ka dhashay dagaal ka dhacay Gobolka Hiiraan

by admin | Friday, Sep 18, 2020 | 442 views

Dagaalkaan oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa waxaa saacadihii la soo dhaafay uu ka dhacay degaan u dhaxeeyo degmooyinka Matabaan iyo Maxaas oo ka tirsan gobalka Hiiraan.

Dagaalka ayaa waxaa uu u dhaxeeyay laba maleeshiyo beeleed,waxaana la sheegay in uu salka ku haayo is qabqabsi la xiriira dhanka dhulalka, isla markaana dagaalkooda uu yahay mid soo laab laabtay.

Inta la xaqiijiyay laba qof ayaa ku dhintay halka Saddex kale ay dhaawacmeen dagaalka, waxaana dadka degaanka ay sheegeen in dagaalka uu si iskiis ah u istaagay, isla markaana weli labada maleeshiyo Beeleed ay ishor-fadhiyan.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanka lagu dagaalamay ayaa waxaa ay sheegayaan in saaka halkaasi ay tka taagan tahay xiisad dagaal oo u dhaxeysa labada beelood,waxaana sidoo kale socda abaabul ay Odayaasha Dhaqanka ku kala dhex-galaan labada maleeshiyo Beeleed.

Like it? Share it!

Leave A Response