faafaahin:Khilaaf ka taagan Dhuusamareeb

by admin | Sunday, Jul 21, 2019 | 678 views

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug waxaa ka taagan Khilaaf ka  bilowday sidii la isugu dhafi lahaa ciidamada Galmudug iyo ururka Ahlu Sunna.

Khilaafka ayaa yimid ka dib markii Mas’uuliyiin ka tirsanaa maamulkii Ahlusunna ay diideen in lagu daro qaarkood Ciidamo ka yimid dhanka Caabudwaaq, islamarkaana ay sheegeen Ahlusunna in Ciidankooda kaliyah ay howlgalaan, islamarkaana lagu kordhiyo Ciidanka dowladda Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale Magaalada Dhuusamareeb ka taagan Khilaaf ka dhashay Ciidankii ku sugnaa deegaanka Xeraale ee dhowaan lagu wareejiyay Ra’iisul Wasaare Kheyre in ay diideen in ay tababar ku qaataan magaalada Dhuusamareeb ayna la tababartaan Ciidanka Ahlusunna.

Dowladda Soomaaliya ayaa dooneyso in ay tababar u furto Maleeshiyaadkii ku sugnaa Dhuusamareeb iyo degaanada kale ee Galgaduud ee dhawaan la qarameeyay, waxaana la sheegay in qaarkood ay Ahlsunna diiday kuwo kalena ay diideen in ay taggaan Dhuusamareeb.

Ciidanka Ahlusunna ayaa horay waxgaradka degaanka Xeraale ugu eedeeyeen in ay Xasuuq ka geysteen degaankaasi, islamarkaana aysan ka mid noqon doonin Galmudug hadii la qarameeyo xataa.

Like it? Share it!

Leave A Response