Faafaahin:Shabaab oo weeraray Siinka-dheer

by admin | Monday, Jun 11, 2018 | 1142 views

Wararka inaga soo gaaraya deegaanka Siinka-dheer ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in dagaalamayaal hubeysan oo ka tirsan ururka Al-shabaab ay weerareen.

Dagaalkan ayaa wuxuu ahaa mid culus oo Shabaab ay ku soo qaadeen barkontorool oo ciidanka Nabad Sugidda ay ku leeyihiin deegaankaasi, wuxuuna dagaalka socday wax ku dhaw saacad.

Labada dhinac ayaa waxaa halkaasi ku dhexmaray dagaal geystay khasaare kala duwan oo soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay, inkastoo aan la xaqiijin karin khasaaraha dhabta ah.

Saraakiisha ammaanka ayaa  u sheegay   warbaahinta in ciidanka ay iska difaaceen ragga Shabaab ka tirsanaa ee Saddexda jiho ka weeraray deegaanka.

Ciidanka weerarka lagu soo qaaday ayaa galay feejignaan dheeri ah, waxayna bilaabeen hawlgal ammaanka lagu xaqiijinayo.

Like it? Share it!

Leave A Response