faafaahin:Weerar ka dhacay degmada Balcad & khasaaro ka dhashay.

by admin | Monday, Apr 12, 2021 | 305 views

Dagaal ayaa waxaa la sheegay in xalay gudaha degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe uu ku dhex-maray Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka degmada iyo Xubno ka mid Ururka Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa waxaa uu yimid kadib markii Ciidamada Maamulka degmada Balcad oo waday howlgal Roondo ah ay iska hor-yimaadeen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal khasaaro geystay.

Dad ku sugan degmada Balcad ayaa waxaa ay sheegeen in xalay xilli dambe ay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, isla markaana ay maqleen in uu jiro khasaaro soo gaaray Ciidamada.

Al-Shabaab  oo sheegtay inay weerar ku galeen gudaha degmada Balcad ayaa Warar lagu qoray baraha tageera Al-Shabaab waxaa lagu sheegay in weerarkaas ay ku dileen laba Askari kana qaateen laba qoray oo AK 47 ah.

Maamulka degmada Balcad iyo laamaha amniga degmadaas weli kama hadlin dagaalka ka dhacay , waxaana dhowr jeer Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Baraha Koontorool ee laga ilaaliyo degmada degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Like it? Share it!

Leave A Response