faafaahin:WIIL dhallinyaro ah oo ay dishay XAASKIISA oo u dhashay sagaal carruur ah

by admin | Sunday, Jan 19, 2020 | 580 views

Wararka aan ka heleyno Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas lagu dilay Wiil dhalinayro ah oo la sheegay inuu shacab ahaa.Wiilkaan oo magaciisa lagu sheegay Cabdisalaan Maxamed Macalin ayaa warar kala duwan ka soo baxayaan qaabka uu u dhacay dilkiisa.

Wararka qaar ayaa sheegayo inay wiilkaan dileen kooxo ku hubeysan buskoolad balse wararka ay heleyso Caasimadda Online ayaa sheegaya in wiilkaas ay dishay xaaskiisa kadib muran soo kala dhex galay labadooda.

Wiilkaan la dilay ayaa Abbe u ahaa sida ay dadka deegaanka ay u sheegeen 9 Caruur ah, isla markaana Xaaskiida dilka u gaysatay ay u dhashay.

Like it? Share it!

Leave A Response