Faafaahun: Dagaal culus oo ka dhacay dulleedka degmada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose

by admin | Friday, Sep 13, 2019 | 557 views

Wararka dheeraad ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo duleedka magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose ku dhexmaray ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Dad ku sugan degmada Marka ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya gaar ahaan Guutada 14-ka Octooper weerar ku qaadeen deegaanka Jilib Marka, halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan  Al-Shabaab,waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo geystay khasaaro  dhimasho iyo dhaawac ah.

Inta la xaqiijiyay ilaa 5 ruux ayaa la sheegay in dagaalkaas duleedka  Marka ku dhexmaray Ciidamada Dowladda iyo Ururka Al-Shabaab ay ku  geerioyoodeen tira kalena ay ku dhaawacmeen,kuwaas oo u badan dhinacyada  dagaalamay.

Magaalada Marka ayaa lagu wadaa in uu gaaro ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo maalmihii ugu danbeeyay socdaal ku marayay deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response