Faah faahin:-Al-Shabaab oo weerar ka geystay Gobolka Waqooyi Bari

by admin | Thursday, Jun 13, 2019 | 697 views

Warar dheerad ah aya akasoo baxaya weerar qaraxyo ah oo Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya lagula eegtay deegaan u dhow Magalada Gaarisa ee dhulka gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi Kenya.

Kolonyo ka tirsan Ciidamadaasi Kenya ayaa qarax miinada nooca dhulka lagu aaso ah lala egtay xilli ay marayeen inta u dhaxeeysa deegaanada Sedax goosa iyo Amuuma oo u dhow Magalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada qaraxaas,waxaana warar ay ku qoreen Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka ay ku sheegeen inay gubeen mid ka mid ah Gawaarida Ciidamada Millateriga Kenya,isla markaana uu jiro khasaaro ka dhashay.

Majiraan wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha Ciidamada Kenya ee Gobolka Bari oo ku aadan khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaas,waxaana uu kusoo aadayaa xilli Dowladda Kenya ay xirtay Xaduudka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Sidoo kale Kenya ayaa maalma ka hor soo saartay digniin ku aadan inay jiri karaan weeraro Ururka Al-Shabb ka geystaan deegaano ka tirsan gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi Kenya, iyada oo sheegtay inay ka feejigan yihiin.

Like it? Share it!

Leave A Response