Faah faahin:- Dagaal dhexmaray ciidanka dowladda iyo Shabaab

by admin | Thursday, Jun 14, 2018 | 1062 views

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar xalay fiidkii ka dhacay xaafada ka tirsan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kaasi oo geystay khasaare kala duwan.

Weerarkan ayaa yimid kadib markii rag ka tirsan xoogaga ururka Al-shabaab oo tiro ahaan lagu qiyaasay Sagaal nin ay wadada u galeen ciidan xero ka soo baxay kuna wajahnaa xero kale, halkaasi waxaa labada dhinac ku dhexmaray iska hor imaad daqiiqado badan socday.

Taliyaha Ciidanka xoogga Guutada 5-aad ayaa  u sheegay  warbaahinta dagaalkaasi in ay ku dileen nin Shabaab ka tirsanaa, laba kalnena ay ka dhaawaceen, dhankooda ayuu sheegay in dhaawac fudud uu ka soo gaaray Hal askari oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka.

“Waxaan kuu sheegaa nimankii cadowga ahaa oo tiro ahaan gaarayay Sagaal nin in ay wadada u galeen ciidan xero isku bedalayay, waxaa dhexmaray iska hor imaad, waxaan ka dilnay Hal Argagixisada ka tirsanaa, laba kanena waan ka dhaawacnay oo waa ay jiiteen, dhankeena Hal askari ayaa nooga dhaawacmay dagaalkan.” Ayuu yiri Taliyaha Ciidanka xoogga Guutada 5-aad.

Wararkii ugu dambeeyay ee saakay naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ayaa waxa ay sheegayaan in ciidanka dowladda ay bilaabeen hawlgal ay ku raadinayaan raggii xalay weerarka soo qaaday, waxayna u jiheysteen dhanka ay ka yimaadeen xoogaga Shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response