Faah faahin: Duqeyn Diyaaradeed oo ka dhacday Sh/Hoose

by admin | Thursday, May 10, 2018 | 1454 views

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya degaan dhaca duleedka degmada Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose, Duqeyn Diyaaradeed ayaa xalay saq dhexe waxa ay ka dhacday halkaasi, taasi oo ay fuliyeen Ciidamo cadaan iyo Soomaali isugu jira.

Diyaaradaha ayaa kahor inta aysan Duqeynta fulin oo ay wadeen sahmin ayaa waxa ay arkeen dad Khudaarley ah oo meel fadhiyay, waxaana markii dadkaasi ay maqleen guuxa Diyaaradaha ay isku dayeen in ay cararaan, balse Ciidamo saarnaa Diyaaradaha ayaa mid mid u toogtay dadkaasi, waxaana dadka ku dhintay howlgalkan lagu sheegay in ay tiro ahaan ka badan yihiin 7 qof.

Wariyaha Idaacadda Risaala ee Gobolkaasi Axmed Abuukar Sabriye oo soo xiganaya ilo xog ogaal ah oo dhinaca Millitariga ah ayaa waxa uu sheegay in Diyaaradaha intaasi kadib ay beegsadeen fariisin ay lahaayeen Shabaab, halkaasina uu ka dhashay khasaare kala duwan, balse ragga qaarkood ee halkaasi ku sugnaa ay ka carareen markii ay heleen xogta ah in lagu soo wajahan yahay.

“Wallaalow xalay habeen barkii anagoo jiifna ayaan halmar maqalnay jug iyo guux diyaaradeed, dadka qaar cabsi darteed guryahooda ayay ka carareen, Wallaahi saakay waxaan araknay meydadka dadka qaar oo shacab ahaa, waxaan maqalnay in Diyaaradaha ay wateen dad nool.” Ayuu yiri mid ka mid ah dadka degaanka oo inala hadlay.

Warbaahinta Shabaab waxa ay sheegaysaa dhamaan dadka la dilay inay ahaayeen dad shacab ah oo la socday cagaf cagaf khudaar waday, inkastoo Saraakiil Millitari oo ka tirsan kuwa Xoogga dalka Soomaaliya ay sheegayaan in hawlgalkaasi lagu dilay xubno Shabaab ka tirsanaa.

Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya deegaanka ayaa sheegaya in weli diyaaradaha ay ilaalo ka hayaan saldhiga ay bartilmaameedsadeen, si ay ula socdaan khasaaraha dhabta ah ee jira.

Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose oo aan la xiriirnya ayaa waxa ay inoo sheegeen in ay jirto Duqeynta, ayna jiraan khasaare soo gaaray dad shacab ah, balse weli ay wadaan uruurinta xogaha ku saabsan Duqeynta dhacday, dibna ay ka soo sheegi doonaan faahfaahinta.

Inta badan duqeymaha ka dhaca Gobolada dalka Soomaaliya ayaa waxa ay waxyeelo kala duwan ka soo gaarta dadka shacabka ah ee degan dhulka duqeymahaasi ay ka dhacaan.

Like it? Share it!

Leave A Response