Faah faahin kasoo baxaysa Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Canada

by admin | Friday, Mar 17, 2023 | 183 views

Alla ha u naxariistee rag hubeysan ayaa Usaama Ibraahim Sagaare oo ahaa 20 sano jir, Soomaali ah ku dilay magaalada Edmonton ee gobolka Alberta ee dalka Canada.

Ibraahim Sagaare oo ah Aabaha marxuumka ayaa warbaahinta gudaha u sheegay inuu maqlay dhawaqa rasaas gaareysa ilaa toddoba, kadibna marka uu bannaanka ubaxay uu arkay wiilkiisa oo la toogtay shan mar.

Usaama Ibraahim Sagaare ayaa Shaqaale ka ahaa Shirkad ka Shaqeeysa arrimaha Amniga, waxaana xilliga la dilayay uu sii galayay Gaarigiisa si uu Shaqada u aado balse la dilay.

Booliska magaalada Edmonton ee gobolka Alberta ee dalka Canada ayaa sheegay inay wadaan baaritaanka la xiriira dilka Muwaadinka Soomaaliyeed, isla markaana wixii kasoo baxay ay soo bandhigi doonaan.

Like it? Share it!

Leave A Response