Faah faahin:- Nin iyo xaaskiisa oo xalay lagu dilay degmada Awdiinle

by admin | Saturday, Jun 9, 2018 | 1133 views

Rag hubeysan oo ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa xalay fiidkii degmada Awdiinle ee gobolka Baay waxa ay ku dileen nin iyo xaaskiisa oo caruur isku dhalay, kadib markii raggan ay u dhaceen gurigii ay deganaayeen lamaanahaasi.

Guddoomiyaha degmada Awdiinle ee gobolka Baay Cali Xuseen Cali ayaa  u xaqiijiyay  warbahinta warkan, wuxuuna sheegay in labadan lamaane ay ka tageen caruur oo hada ay hayaan eheladooda.

Wuxuu sheegay ilaa hadda inuusan garaneyn sababta loo beegsaday labadan qof oo uu sheegay inay ahaayeen ganacsato, balse hawlo kale aysan shaqo ku laheyn.

“Iyaga oo xaafadooda jooga oo afuray ayaa gurigooda loo galay, laba qof oo is qabtay ayay ahaayeen, caruur ayay isku dhaleen, raggii dilka geystay way baxsadeen, balse ciidamo ayaa ku baxay waxaan rajeyneynaa in gacanta lagu soo dhigo gacan ku dhiigalayaasha.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Awdiinle.

Shacabka ku dhaqan deegaanka gaar ahaan dadkii deriskii la ahaa qoyskan ayaa waxa ay aad u hadal dhacdadan argagaxa leh, iyaga oo tilmaamay in laftirkooda ay soo wajahday cabsi.

Like it? Share it!

Leave A Response