FAAH FAAHIN Qarax Khasaaro ka dhashay oo Maanta Ka dhacay Jalalaqsi{sawiro}

by admin | Friday, Oct 11, 2019 | 781 views

Qaraxa maanta ka dhacay Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa lala eegtay Ciidamada AMISOM ee ku sugan Jalalaqsi gaar ahaan kuwa jabuuti oo dukaameysi ku jiray Sida ay Hiiraanweyn u sheegeen dad Goobjooga yaal ah

Inta la xajiiyey qaraxaas  waxaa ku dhaawacmay Afar Ruux oo laba kamid ah ay yihiin Ciidamada AMISOM Gaar ahaan kuwa Jabuuti,isla markaana ay jirtay rasaas ay fureen Ciidamada  balse aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in mudo kooban ay ciidamad Jabuuti ay hakiyeen isku socodka dadka iyo ganacsiga Suuqa degmada Jalalaqsi xilliga qaraxa lala eegtay,

Xaalada Dagmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa ah caawa mid dagan kadib qaraxii maanta ka dhacay Dagmadaas.

 

Like it? Share it!

Leave A Response