Faah faahin:- Weerar xalay ka dhacay magaalada Baydhabo

by admin | Thursday, Oct 11, 2018 | 875 views

Koox hubeysan ayaa xalay bam gacmeed waxa ay ku weerareen guri ay magaalada Baydhabo ka degan tahay guddoomiyaha ururka haweenjka gobolka Baay oo magaceeda lagu soo koobay Muraayo.

Weerarkan oo la sheegay inuu dhacay xalay fiidkii ayaa waxaa ku dhaawacmay laba qof, kuwaasi oo la dhigay mid ka mid ah isbitaalada ku yaalla magaalada Baydhabo.

Haweeneyda la weeraray ayaa waxaa la sheegay in ay badqabto, ciidamo ka tirsan booliska Koonfur Galbeed ayaa gaaray goobta uu weerarka kja dhacay, waxayna sameeyeen baaritaan aanay jirin cid lagu soo qabtay.

Weerarkan ayaa muujinaya heerka amni ee magaalada Baydhabo iyada lagu guda jiro abaabulka iyo diyaar garowga ku aadan doorashada la qorsheeyay inay dhacdo 17-ka November ee sanadkan.

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ku wada sugan ciidamo kala duwan oo qaarkood ay wataan musharaxiin uu ka mid yahay Sheekh Muqtaar Roobow oo horey uga soo goostay Ururka Al Shabaab.

Magaalada Baydbao ayaa waxaa laga yaabaa inay saameyn ku yeelato xaalada siyaasadeed ee ka taagan magaaladaasi, maadaama doorashada ay ku loolamayaan dhinacyo awoodooda ay ka muuqato degaanada Koonfur Galbeed oo kala ah madaxweyne Shariif Xasan oo doonaya inuu ku soo laabto hoggaanka Koonfur Galbeed iyo Sheekh Muqtar Roobow oo wata saameyntiisa siyaasadeed iyo mida amni.

Like it? Share it!

Leave A Response