Faahfaahin dilal iyo Qarax ka dhacay Kaxda

by admin | Tuesday, Oct 27, 2020 | 361 views

Kooxo hubeysan ayaa  gudoomiye waaxeed ku dilay degmada Kaxda ee gobolka Banaadir sidda ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka degaanka.

Gudoomiye waaxeedka la dilay ayaa lagu Magacaabi jiray Ibraahim Colow Cali. waxaa lala dilay gabar ka tirsaneyd kooxaha wacyigalinta Covid 19 Faadumo Mataan halka qof kalena uu ku dhaawacmay falkaasi.

Waxaa uu ahaa guddoomiyihii waaxda shanaad Siinka-dheer ee degmada Kaxda.

Kooxda dilka geystay ayaa la sheegay in ay wateen gaari Sruf ah oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, islamarkaana ay goobta uga tageen ayna qaateen gaarigii gudoomiyaha.

Qarax loo adeegsaday gaari ayaa wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye gaar ahaan agagaarka Siinka dheer Waxaa lagula eegtay gudoomiyaha degmada Kaxda iyo saraakiil ka tirsan booliska Soomaaliya oo ku baxay dilka waxaana la sheegay in uu ahaa gaarigii ay wateen dableyda hubeysan.

Waxaa jira khasaare isugu jira dhimashi iyo dhaawac ah oo ka dhashay qaraxaas inkastoo aan wali si rasmi ah loo xaqiijin karin.

Like it? Share it!

Leave A Response