Faahfaahin Khasaaraha ka dhashay diyaaradii ku burburtay Garoonka Calicut

by admin | Saturday, Aug 8, 2020 | 422 views

Mas’uuliyiinta waaxda duulista hawada ee Hindiya ayaa xaqiijiyay in Mid ka mid ah diyaaradaha shirkadda Air Indian Express, oo ay la socdeen 191 qof oo rakaab ah ku burburtay garoonka diyaaradaha ee Calicut, oo ku yaalla Kerala ee koonfurta dalkaas.

Diyaaradda oo kasoo duushay magaalada Dubai, ay cagaha la weysay waddada ay ku cararaan diyaaradaha, kaddibna u kala go’day labo qeybood.

Wasiirka duulista Hawada dalka Hindiya Hardeep Singh Puri ayaa xaqiijiyay in Shilkaasi ay ku dhinteen 18 ruux oo ka mid ah yihiin labo duuliye, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay 127 ruux.

Dadka dhaawacmay 15 qof oo ka mid ah waxay ku sugan yihiin xaalad adag.

Maamulka diyaaradda ayaa sheegay in tirada rakaabka ay ahayd 184 ruux oo ay ku jiraan 10 carruur ah iyo lix shaqaalaha diyaaradda ah, ayna ka mid yihiin labo duuliye.

 

Like it? Share it!

Leave A Response