Faahfaahin Khasaaraha ka dhashay Hoobiyeyaal ku dhacay Xalane

by admin | Sunday, Oct 13, 2019 | 572 views

Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan Hoobiyeyaal maanta kusoo dhacay gudaha Ciidanka AMISOM ee Xalane ee Muqdisho.

Ku dhawaad 5 Hoobiye ayaa kusoo dhacay goobo kala duwan oo ka mid ah xarunta Xalane sidda ay xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Inta la xaqiijiyay Todobo Qof oo Sadex kamid ah ay yihiin Askarta Ciidamada Amisom Laba kalana ay ahaayeen Shaqaale ka shaqeynayay Dhismaha iyo Hal Qof oo kamid ah Shaqalaha Beesha Caalamka ayaa ku dhaawacmay Hoobiyeyaasha.

Xarunta Ciidanka AMISOM ee Xalane ayaa ah goob ay degan yihiin xubnaha beesha Caalamka, waxaana sidaan oo kale dhowr jeer lagu qaaday weeraro Khasaare geystay.

Like it? Share it!

Leave A Response