Faahfaahin: Qarax ka dhacay magaalada Baydhabo.

by admin | Friday, May 18, 2018 | 955 views

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, ayaa sheegaya in xalay Qarax xoogan laga maqlay Maglaada xili dadka ay isu diyaarinayeen Salaada Taraawiixda.
Qaraxa oo ahaa Bambada Nooca Gacanta laga tuuro, ayaa lala eegtay Maqaaxi ku taala Xaafada Howlwadaag ee Magaalada Baydhabo, Iyadoo jugta Qaraxa laga maqlay inta abdan Xaafadagha Magaalada, Qaraxa kadib askar ka agdhaweyd Goobta ayaa rasaas xoogan furay taasoo aan la ogeyn Khasaaraha ka dhashay.
Saraakiisha Nabad Sugida Baydhabo, ayaa soo sheegaya in Qaraxa ay ku dhaawacmeen 5 Ruux oo Shacab ah kuwaasoo isugu jiray Dad ku sugnaa Maqaaxida iyo Kuwo iskalahaa mehrada la qarxiyay.

Dadka dhaawaca gaaray ayaa durbadiiba loola cararay Goobaha Caafimaadka, si gargaar loogu helo, Waxaana markii danbe goobta gaaray Saraakiil ka tirsan Ciidanka Koofur Galbeed.
Majirto wali cid sheegatay Qaraxyada Shacabka lagu dhibaateeyay, Waloow Saraakiisha Nabad Sugida Baydhabo ay masuuliyada weerarkaas ku eedeeyeen Ururka Al-Shabaab oo Bisha Ramadaan kordhiya weerarada ay ka geysanayaan Magaalooyinka Dalka.
,

Like it? Share it!

Leave A Response