Faahfaahin Qaraxyo iyo Weerar ka dhacay Agagaarka Madaxtooyadda Soomaaliya

by admin | Saturday, Jul 14, 2018 | 966 views

Warar dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan Laba Qarax iyo Weerar toos ah oo maanta lagu qaaday Barkontorool oo ay ku sugnaayeen Ciidamada Ilaaladda Madaxtooyadda oo ku taalla Waddada gasha madaxtooyada ee ka timaada Isgoyska Ceel Gaabta.

Weerarka ayaa ku bilowday rasaas ragga hubaysan ay ku fureen ciidanka, iyaga oo dilay hal askari oo ka tirsanaa ciidamada Militariga, waxaana xigay dagaal toos ah oo dhexmaray ciidamada Militariga iyo Xoogaga hubaysan.

Ka dib markii dagaal Culus socday Muddo dhowr daqiiqo ah  waxaa qarxay gaari ay ka soo dageen ragga hubaysan, kaasi oo ku qarxay meel ku dhaw MCH-ka ku yaallo meel aan sidaasi kaga fogeyn Isgoyska Umbulutooriyadda.

Dableyda hubaysan ayaa ku cararay jidka u dhaxeeya MCH-ka Umbulutooriyadda iyo Beerta Nabadda, halkaasi oo ciidanka si adag ay ugula dagaalameen.

Xilli uu socday dagaal culus ayaa sidoo kale Markale Qarax Labaad waxaa uu ka dhacay Kontaroolka ku yaalla dhabarka dambe ee Hoteel SYL waxaana loo adeegsaday Gaari laga Buuxiyay Waxyaabaha Qarxa.

Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa toogtay raggii Weerarka soo qaaday ee galay luuqa u dhaxeeya MCH-ka Umbulutooriyadda iyo Beerta Nabadda.

Ragga ay toogteen Ciidamada Ammaanka ayaa ahaa Saddex nin oo dhalinyaro ah , kuwaasoo xirnaa dharka Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ee ka howlgalla Magaalada Muqdisho.

kooxda Weerarka soo qaaday ee Sawiradooda Warbaahinta lasoo bandhigay ayaa ahaa Saddexda ruux ee Weerarka soo qaaday iyo Ruuxii Isqarxiyay.

Waxaa sidoo kale jira dhaawacyo soo gaaray dad Shacabka ah ,kuwaasoo ku sugnaa goobta uu Weerarku ka dhacay.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarradaas , waxaana ay sheegeen in ay howlgallo ka waddaan Hareeraha Madaxtooyadda.

Wali kama hadlin Hay’addaha Ammaanka ee dowladda Soomaaliya , waxaana saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ay sheegeen in ay waddaan baaritaano

Like it? Share it!

Leave A Response