Faahfaahin Qaraxyo ka dhacay Muqdisho

by admin | Saturday, Sep 22, 2018 | 865 views

Labo gaari ayaa ku qarxay Isgoyska dabka ee Magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in labada gaari ay haayeen kuwo lagu xiray  waxyaabaha Qarxa.

Gaariga Koowaad ayaa ku qarxay Bartamaha Isgoyska dabka ee Magaalada Muqdisho, waxaana ka dhashay Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Warar  ayaa waxa ay sheegayaan Gaariga lagu qarxiyay isgoyska Debka in uu lahaa Prof Yahya Sheikh Caamir waxaana gaariga ku dhintay walaalkiis oo xilliggaasi gaariga watay.

Gaariga Labaad ayaa ku qarxay degaandega Isgoyska dabka, waxaana la sheegay in gaarigaasi uusan geysan Khasaare badan, qoftii watay ayaa la sheegay in uu soo gaaray dhaawac.

Waxaa sidoo kale jira in dhaawacyo ay soo gaareen dadka Maraayay Wadada xilliga ay wax dhacaayeen.

Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya oo goobta soo gaaray ayaa halkaasi ka qaaday dhaawacyadda dadkii ay waxyeelado soo gaartay.

Like it? Share it!

Leave A Response