Faahfaahin Sarkaal ka tirsan qeybta baarista dambiyada oo Muqdisho lagu dilay

by admin | Saturday, Jun 8, 2019 | 1334 views

Saraakiil ka tirsan Ciidanka booliska Askari ka tirsan Ciidamada booliska ee ilaalada ka hayay Koontarool ku yaala nawaaxiga Isgoyska Dabka oo lagu baaro gaadiidka aada dhinaca madaxtooyada Soomaaliya ayaa toogtay Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Booliska.

C/Wahaab Aadan ayaa lagu Magacaabi jiray Sarkaalka la dilay waxaa uu ahaa madaxa baarista dambiyada ee Saldhigga Waaberi xilliga habeenkii, waxaana xilliga la tooganayay uu watay gaari yar oo nooca raaxada ah.

Dilka ayaa dhacay ka dib markii uu sarkaalkaan Isbitaalka Daaru Shifaa uu ka soo xiray Saddex askari iyo gaari Harrier ah oo ay wateen, kuwaasoo loo heysto rasaas xalay laga maqlay aagga wadada Maka Al-Mukarama.

Taliska Ciidanka Booliska ayaa amar ku bixiyay in si deg deg ah gacanta loogu soo dhigo Askarigii falkaasi geystay oo la sheegay in uu ka baxsaday goobtii uu wax ku dilay, waxaana hadda baaritaano Culus ay ka socdaan qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.
Like it? Share it!

Leave A Response