Facebook oo sameysanaysa lacag u gaar ah

by admin | Wednesday, Jun 19, 2019 | 692 views

Shabakada bulshada ay ku xiriirto ee Facebook ayaa qorsheyneysa inay sameysato lacag u gaar ah taasoo dadka ku xiran shabakadan ay isticmaali karaan.

Shabakaddan bulshada ku wada xidhiidho ayaa sheegaysa in ay dadku ka bixinayso nidaamyada bangiyada dibadda, kuwaas oo awood u yeelanaya isticmaalidda adeegyadooda maaliyadeed markii u horreysay.

Hase yeeshee  sharci dejiyaasha Maraykanka ayaa ka dalbanaya inn go’aankeeda ah in la soo saaro lacag digital ah oo u gaar ah, oo loo yaqaan ‘Libra’ la hakiyo.

Tani waa qorshe firfircoon oo ka yimi Facebook si ay u ballaariyaan ganacsiga lacagaha ee internetka. Shabakaddan bulsheed ayaa la kaashaynaysa 27 shirkadood oo kale, oo ay ka mid yihiin Mastercard, PayPal iyo Uber, si ay u sameeyaan hay’ad fadhigeedu yahay Geneva oo xukunta lacagtan cusub. Waxaa la filayaa in la furo lixda bilood ee u horeysa sanadka soo socda.

Guddoomiyaha Guddiga Adeegga Maaliyadda ee Aqalka Maraykanka Maxine Waters, ayaa sheegay in Facebook ay joojiso horumarinta lacagtan ‘Libra’ ilaa ay ka talo bixiyaan waaxaha dawladeed ku shaqo leh arrimahan iyo sharci yaqaannadu. Adeeggan ayaa lacagta la isugu dirayaa taleefannada gacanta, sida farriimaha oo kale.

Habkan ganacsi ee cusub, waxaa qof walba oo wax ku kala iibsada laga jaran doonaa khidmad yar, waxaana uu dadka ku qasbi doonaa inay wakhti dheer ku qaataan Facebook-ga si ay u sameeyaan xayaysiisyo, ay lacagi ka soo gasho.

Like it? Share it!

Leave A Response