Fahad Yaasiin ” qaar ka tirsan Xildhibaanada ayaa damiintay Shabaab lasoo xiray

by admin | Tuesday, Apr 16, 2019 | 739 views

Ku simaha  Taliyaha Nabadsugidda NISA ahna Taliye kuxigeenka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa sheegay inay jiraan XIldhibaano damiintay dad ka tirsan Al-Shabaab oo lasoo qabtay.

Fahad Yaasiin oo Shalay kamid ahaa madaxda Hey’adaha Amniga ee Su’aalaha lagu waydiinayey kulankii Baarlamaanka ayaa sheegay in 39% ay jiraan Xildhibaano Baarlamaanka tobanaad oo damiintay rag Al-Shabaab ka tirsan oo lasoo xiray.

Fahad Yaasiin ayaa sheegay in Ragii Shabaab ka tirsanaa oo ay damiinteyn Xildhibaanada inay dib ugu laabteen Al-Shabaab oo ay dhibaato ku hayaan Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Wuxuu intaas kusii diray in haddii Xildhibaanada lala xisaabtami lahaa aan loo yeeri karin maadaama ay yihiin Xildhibaano leh Xasaanad sida uu hadalka u dhigay.

Fahad ayaa ku baaqan in si looga hortagi inaysan taas camal dhicin si deg deg ah loosoo ansixiyo sharciyo muhiim ah oo hor-yaala Baarlamaanka oo uu ugu horeeyo Sharciga la dagaalanka Argagixisada.

 

Like it? Share it!

Leave A Response